Qarax is-miidamin ah oo ka dhacay magaalada Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida Garowe Online u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Weerarka ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Jiira Kuwait, waxaana lala eegtay ciidamo katirsan kuwo isku dhafka gobolka Mudug ee ay maamusho dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay ALLAHA u naxariisteen Taliyihii ciidamada isku dhafka Milatariga gobolka Mudug Gaashaanle Sare Xoreeye.

Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo la dhigay goobaha caafimaadka, kuwaasoo ay ku jiraan ciidamo katirsan isku dhafka gobolka Mudug.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaas, balse waxaa horay weeraro noocaas ah uga gaystay magaalada mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab.

Amniga magaalada Galkacyo ayaa muddooyinkii dambe aad u wanaagsanaa.

Faah faahinta warkaas dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM