Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay duleedka Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Qarax miino ayaa maanta oo Talaado ah ciidamo katirsan dowladda Puntland waxaa lagula eegtay duleedka magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Sarkaal katirsan ciidamada Puntland oo ku sugan gobolka Bari ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in hal Askari uu ku geeriyooday, saddex kalena ay ku dhaawacmeen qarax oo ka dhacay meel ku dhaw Galgala.

Miinada oo la dhigay jidka isku xira magaalada Boosaaso iyo Tuulada Galgala ayaa waxay haleeshay gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamo ka tiran kuwa Puntland.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa kusii jeeday magaalada Boosaaso, iyagoo saaka kasoo ambabaxeen Galgala, halkaasi oo ciidamada Puntland iyo Al Shabaab ay isku hor-fadhiyaan.

Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in askartii dhaawaca kasoo gaaray weerarka la dhigay xaruumaha caafimaadka ee ku yaalla magaaladda Boosaaso.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan, balse dhulka buuraladeyda Galgala ayaa waxaa sanadihii la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey ciidamada Puntland iyo Kooxda Al-Shabaab.

Qaraxyada noocan ah ee ciidamada Puntland lagula eeganayo aaga Galgala ayaa mudooyinkii dambe sii kordhayay, iyadoo Al Shabaab sidoo kale sare u qaadey dilalka ay ka fulinayso magaalada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM