Qaraxyo lagu qabtay magaalada Boosaaso

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Ciidamada ammaanka gobolka Bari, ayaa howlgal ay ka sameeyeen xarunta ganacsiga Boosaaso, waxay kusoo qabteen Qaraxyo iyo rasaasta loo isticmaalo Hoobiyaasha, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha gobolka.

Shir jaraa'id oo ay saxaafadda magaalada Boosaaso ugu qabteen taliska qaybta Booliiska gobolka Bari, ayay ku shaaciyeen inay soo qabteen Qaraxyo kuwa gacanta laga tuuro ah iyo raasaas.

Waxay intaas ku dareen inay gacanta ku hayaan raggii watay oo ay ku socoto baaritaan, dhawaana ay usoo gudbin doonaan warbaahinta xogta eedaysanayaashaas.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Gobolka Bari Axmed Jaraale, ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamadu ballaariyeen howlgalkooda magaalada Boosaaso, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen dad badan oo laga shakiyay.

Faah faahin dheeraad ah kama aysan bixin halka laga soo qabtay qaraxyadan oo yimid xilli amniga magaalada Boosaaso uu aad u liito islamarkaana dhawaan lagu dilay Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ciidamo katirsan kuwa ilaaliya Waddooyinka (Taraafiko).

Sidoo kale waxaa isku day dil ka bad-baaday todobaadkii hore taliyaha Dekedda magaalada Boosaaso.

Mallayshiyaad katirsan Daacish iyo Shabaab ayaa inta badan falal amni darro ka gaysta gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM