​Qaylo dhaan kasoo yeeraysa degmada Jarriiban [Dhagayso]

Image

GAROWE- Guddoomiyaha degmada Jirriiban ee gobolka Mudug, Maxammed Yusfu shirwac, ayaa ka dayriyay xaaladda qaybo kamid ah deegaanada hoos yimaada degmadaasi, waxaana uu sheegay inay abaar xun halkaasi ka jirto iyadoo ay ugu darantahay dhanka biyaha.

Shirwac oo waraysi siinayay Radio Garoowe, ayaa sheegay in degmadu ka kooban tahay 53 deegaan, islamarkaana 33 kamid ah roobkii gu'gu seegay.

Degaannada;Sallax, Shillin-xaraare, Mayle, Dul-weyne, Madmadoobe, Sacbaan iyo Godcad ayuu guddoomiyuhu xaaladdooda ka dayriyey,wuxuna dowladda Puntland iyo hay'adahaba ka codsadey in ay   gacan u fidiyaan.

Ceelashii biyaha laga cabi jiray ayuu xusay inay noqdeen kuwa cilladoobay isagoo intaasi raaciyay inay hadda meelaha biyuhu ku jiraan gabaabsi yihiin.

Cabashadan, ayaa kusoo beegantahay xilli shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiirrada Puntland todobaadkii hore, guddiga abaaruhu kusoo bandhigeen warbixin ay uga hadlayaan xaaladda gobollada Puntland iyagoo sheegay inay jiraan goobo u baahan in deg deg wax looga qabto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM