​Qaylo dhaan kasoo yeeraysa degmada Jarriiban [Dhagayso]

Image

GAROWE- Guddoomiyaha degmada Jirriiban ee gobolka Mudug, Maxammed Yusfu shirwac, ayaa ka dayriyay xaaladda qaybo kamid ah deegaanada hoos yimaada degmadaasi, waxaana uu sheegay inay abaar xun halkaasi ka jirto iyadoo ay ugu darantahay dhanka biyaha.

Shirwac oo waraysi siinayay Radio Garoowe, ayaa sheegay in degmadu ka kooban tahay 53 deegaan, islamarkaana 33 kamid ah roobkii gu'gu seegay.

Degaannada;Sallax, Shillin-xaraare, Mayle, Dul-weyne, Madmadoobe, Sacbaan iyo Godcad ayuu guddoomiyuhu xaaladdooda ka dayriyey,wuxuna dowladda Puntland iyo hay'adahaba ka codsadey in ay   gacan u fidiyaan.

Ceelashii biyaha laga cabi jiray ayuu xusay inay noqdeen kuwa cilladoobay isagoo intaasi raaciyay inay hadda meelaha biyuhu ku jiraan gabaabsi yihiin.

Cabashadan, ayaa kusoo beegantahay xilli shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiirrada Puntland todobaadkii hore, guddiga abaaruhu kusoo bandhigeen warbixin ay uga hadlayaan xaaladda gobollada Puntland iyagoo sheegay inay jiraan goobo u baahan in deg deg wax looga qabto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM