Radio Garowe oo bilowday gurmadka Qaraxii Zoobe

Image

GAROOWE, Puntland- Warbaahinta Radio Garoowe oo ah Idaacad Madax -bannaan islamarkaana ay bah-wadaag la ah Garowe Online ayaa bilaabaysa maanta Olole loogu gurmaynayo dadkii ku waxyeelloobay qaraxii Sabtidii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Idaacadda oo fadhigeedu yahay caasimadda Puntland ayaa maalmaha soo socda baahin doonta Barnaamijyo taakulo ah oo dadweynuhu kaga qayb qaadanayaan khadadka taleefonka si kaalmo looga aruuriyo dhagaystayaasha Radio Garowe ee gobolka Nugal.

Agaasimaha Idaacadda Radio Garowe Axmed Cawili Jamac, ayaa sheegay in barnaamijkan uu kamid noqonayo gurmadyo horay idaacadu u samayn jirtay waqtiyada adag taasoo ay ugu dambaysay gurmadkii Abaartii ugu dambaysan ee dalka Soomaaliya ku dhufatay.

“Waxaan soo furnay Akoono dadweynuhu kusoo dirayaan lacago, sidoo kale waxaan aruurinaynaa taakulada kale ee dadka gobolka Nugal ku nool ay gaarsiinayaan walaalahooda dhibaataysan ee ku sugan magaalo madaxda dalkeen ee Muqdisho.” Ayuu yiri Axmed Cawil Jaamac.

Wuxuu intaas ku daray in banaamijkan ay sii wadi doonaan inta xaaladda adag laga baxayo, isagoo ugu baaqay bulshada inay caawiyaan walaalahooda ay saamaysay dhibaatadii ka dhacay is-goyska Zoobe.

Idaacadda Garowe ayaa kamid ah warbaahinta ugu af-ka dheer Puntland, waxaana barnaamijkan uu qayb ka noqonayaa dedaalada dadweynuhu wadaan ee lagu caawinayo dhibanayaasha qaraxii 14 October, ka dhacay Xamar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM