​Roob doon ka dhacday magaalada Garowe [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta ka qayb galay Roob doon ka dhacday magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Isu soo baxan oo ka dhacay dhinaca Waqooyi ee caasumadda Puntland, ayaa waxaa sidoo kale joogay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, wasiirro, xildhibaano, Isimo, Nabadoono, waxgarad, culimaa'uddiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Culimada ayaa wacdi iyo waano usoo jeedisay shacabkii halkaasi isugu soo baxay, waxayna bulshada ku adkeeyeen in ALLE la weydiisto dambi dhaaf islamarkaana la is-cafiyo si EEBBE naxariistii u hoorto.

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, ayaa khudbad dheer uu jeediyay bulshada kaga dalbaday in la cafiyo isagoo iyagan u sheegay inuu saamaxay qof kasta oo wax ka sheegay, wuxuuna ku adkeeyay in Towbada la badiyo.

Farole, ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday arrimo la xiriira deegaanka, wuxuuna sheegay inay jirto dayacaad badan oo ay muujiyeenn dowladaha hoose, isagoo tusaale usoo qaaday magaalada Garowe, wuxuuna sheegay in qashin iyo baco badan lagu daadiyay goobihii munaasabka ah iyo meelihii xooluhu daaqi jireen.

Wuxuu dowladda ka codsaday in lagula xisaabtamo wasaaradda loo igmaday ilaalinta iyo wax kaqabashada deegaanka oo ku tilmaamay in waqtigii uu xafiiska joogay muhiimad siiyay sidii bay'ada loo ilaalin lahaa. HALKAN KA DAAWO

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay, ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono arrinta la xiriirta deegaanka isagoo intaasi ku daray inay jiraan culayso ay abaarto ka mid tahay, wuxuuna ALLE ka baryay inuu dhibaatada ka dul qaado.

Isimada Puntland ee kasoo qayb gashay bannaanbaxa ayaa madasha ka duceeyay, waxayna ALLE ka baryeen inuusan umadda Somaliyeed u qaban dunuubta ka dhacaysa ee uu naxariistiisa ugu deeqo.

Roob doon tan lamid ah ayaa ka dhacday deegaanada kale ee Puntland.

Roob doonta dhacday, ayaa wasaaradda cadaaladdu iclaamisay todobaadkii hore, waxayna kusoo aaday xilli abaar xoog leh ka jirto deegaanada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM