Roob ka da'ay qaybo kamid ah gobolka Nugal

Image

GAROWE, Puntland- Roob lagu qabowsaday islamarkaana biyo galiyay deegaano katirsan gobolka Nugal ayaa xalay da'ay.

Xiriiro  war-sidaha Garowe Online, la sameeyay degmooyin kamid ah gobolka Nugal, waxay sheegeen in tuulooyinka qaybtood biyo galeen islamarkaana xaaladu maanta tahay mid aad u wanaagsan.

Meelaha Roobsaday qaybtood, horay waxaa uga jiray abaar laxaad leh.

Guddoomiyaha degmada Godob-Jiraan Yusuf Geesaweyne oo la hadlay GO, ayaa xusay in toolooyin badan oo hoostaga degmadaasi saaka xareedu warantahay.

Wuxuu xusay inuu la hadlay deegaanada qaybtood, inkastoo uusan tilmaamay magacyada meela deeqa Alle helay.

Magaalada Garowe, iyadana waxaa qabtay qabowsin fiican, inkastoo todobaadkii hore Roob fiican qabtay.

Deegaano kale oo ku dhow ayaa sidoo kale lagusoo waramayaa inay roobsadeen.

Curashada Dayrta, ayaa kusoo beegmaysa xilli abaar laxaad leh ka jirto qaybo kamid ah deegaanada Puntland, waxaana dhawaan dowladdu iclaamisay gurmad deg deg ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM