Roob ka da'ay qaybo kamid ah gobolka Nugal

Image

GAROWE, Puntland- Roob lagu qabowsaday islamarkaana biyo galiyay deegaano katirsan gobolka Nugal ayaa xalay da'ay.

Xiriiro  war-sidaha Garowe Online, la sameeyay degmooyin kamid ah gobolka Nugal, waxay sheegeen in tuulooyinka qaybtood biyo galeen islamarkaana xaaladu maanta tahay mid aad u wanaagsan.

Meelaha Roobsaday qaybtood, horay waxaa uga jiray abaar laxaad leh.

Guddoomiyaha degmada Godob-Jiraan Yusuf Geesaweyne oo la hadlay GO, ayaa xusay in toolooyin badan oo hoostaga degmadaasi saaka xareedu warantahay.

Wuxuu xusay inuu la hadlay deegaanada qaybtood, inkastoo uusan tilmaamay magacyada meela deeqa Alle helay.

Magaalada Garowe, iyadana waxaa qabtay qabowsin fiican, inkastoo todobaadkii hore Roob fiican qabtay.

Deegaano kale oo ku dhow ayaa sidoo kale lagusoo waramayaa inay roobsadeen.

Curashada Dayrta, ayaa kusoo beegmaysa xilli abaar laxaad leh ka jirto qaybo kamid ah deegaanada Puntland, waxaana dhawaan dowladdu iclaamisay gurmad deg deg ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM