Sarkaal katirsanaa ciidanka Dekedda Boosaaso oo la dilay

Image

BOOSAASO, Puntland- Sarkaal katirsanaa ciidamada dekedda Boosaaso ayaa caawa fiidkii dablay hubaysan ku toogteen meherad ku taalla xarunta ganacsiga Puntland.

Sarkaalka dhintay oo lagu magacaabi jiray, Xassan Xiir, wuxuuna kamid ahaa ciidamada ilaaliya dekedda magaalada Boosaaso oo dabayaaqada sannadkii hore lagu wareejiyay shirkadda lagu magacaabo PO port.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku waramay in dilka ay gaysteen rag dhalinyaro ah kuwaasoo ku hubaysnaa Bastoolado.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dilka kadib mallayshiyadaas ay ka baxsadeen goobta. Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasoo sameeyay baaritaano ay ku qab-qabteen qaar kamid ah dadkii ka agdhawaa goobta weerarku ka dhacay oo aan sidaas uga fogayn dekedda weyn ee magaalada Boosaaso.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska dekedda Boosaaso iyo maamulka gobolka Bari.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilkaas, waxayna baraha internet-ka ee warkooda fidiya ku daabaceen, in Labo Xidigle Xiir, lagu dilay weerar ay qaadeen mallayshiyaad katirsan ururkan xiriirka la leh Al Qacida.

Al Shabaab ayaa intaas ku dartay inay kor u qaateen weerarada ay ka gaysanayaa gobollada Bari iyo Mudug.

Dilkan ayaa imaanaya xilli shalay qarax ka dhacay wadada xiriirisa Gal-gala iyo Boosaaso qarax lagula eegtay kolonyo katirsan ciidamada Puntland, waxaana weerarkaas ku dhintay sarkaal qaabilsanaa miino furista.

Waa sarkaalkii 2aad ee dhinaca Miino Baarista oo kooxda Al Shabaab ku disho Qarax.

Weeraradan majirto wax war ah oo ilaa hadda ay kasoo saartay xukuumadda Puntland oo hadda muddo xileedkeedii uga haray hal sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM