​Shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay Dagaalka Galkacyo [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland- Shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada Puntland, ayaa maanta looga hadlaya arrimo uu kamidyahay dagaalka magaalada Galkacyo, xaaladda abaarta ee Puntland iyo doorashada Aqalka Sare ee Barlamanka Somalia.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulankaas oo nuqul kamid ah soo gaaray Warsidaha Garowe Online, ayaa Puntland ku sheegtay in colaadda Galkacyo daba ka wado dowladda dhexe.

Puntland, ayaa sidoo kale qoraalka ku muujisay inaysan jirin ciidamo Qaran oo shacabka Somaliyeed matali kara, waxayna kuwa haatan dhisan ku sifaysay ciidamo deegaano gooni ah laga soo xulay.

Colaadda kasocota Galkacyo iyo Galgaduud ayaa sidoo kale Puntland sheegtay in laga leeyahay dani siyaasadeed, waxayna beeshaca caalamka iyo shacabka Somaliyeed ku wargalisay in lala socdo arrimahan.

Dhinaca kale xaaladda abaarta ee Puntland ayaa shirka Wasiirrada lagu sheegay inay tahay mid halisteeda wadata islamarkaana u baahan in deg deg wax looga qabto iyadoo shacabka iyo dowladdaba loogu baaqay inay iska kaashadaan sidii shacabka loo samatabixin lahaa.

Waxaa sidoo kale shirka lagu soo bandhigay warbixin kusaabsan halka ay marayso arrimaha soo xulista Xildhibaanada labada Aqal ee Barlamanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM