Siciid Deni oo markale loo doortay Madaxweynaha Puntland

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta mar kale loo doortey inuu sii hayo talada, ka dib markii uu ku guulaystay doorashada, isaga oo wareegii 3-aad helay 45 Cod.

Madaxweyne Deni ayaa ku soo baxay wareegga 1-aad isaga oo helay 35 cod, halka uu wareega 2-aad helay cododka 40 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada.

Dowladda Federaalka iyo madaxda Maamul-Goboleedyada dalka ayaa u hambalyo u diray madaxweyne Deni iyaga oo ugu duceeyay in ilaahey u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa yiri: “Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland.”

Halka madaxweynayaasha Koonfur-Galbeed, Hirshabeele, Galmudug iyo Jubbaland ay soo saareen qoraalo ay ugu habmaliyeynayaan Madaxweynaha dib loo doortay.

Guushan ayaa Deni ka dhageysa Madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loo doorta inta ay jirtay dowladda Puntland, iyadoo oo dib u doorashadiisa ay qeyb ka qaateen wadamo carbeed uu xiriir la lahaa sida ay warinayaan ilo ku dhow dhow Qasirga Madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee u dhacay howlgalkii ciidanka Mareykanka ee Baalade – Gobolka Bari?

Sidee u dhacay howlgalkii ciidanka Mareykanka ee Baalade – Gobolka Bari?…

  • Puntland

    30-11-2025

  • 04:15AM

Wasiir Dirir Oo Ku Eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay wadashaqeyn kala dhaxeyso Al-Shabaab

Dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha cusub ee Wasiirka warfaafinta Puntland.

  • Puntland

    25-11-2025

  • 12:52PM