Soomaaliya: RG oo dadweynaha waydiisay aragtidooda qaraxii Muqdisho [Dhageyso]

Image

GAROWE, Puntland- idaacada Radio Garowe oo qabatey barnaamij loogu talagaley dadkii shacabka ah ee ku nool magaalo madaxda Puntland kuwasoo ku cabirey aragtidooda ku aadan qaraxii magaalada Muqdisho lala beegsadey dad shacab ah ee ku sugnaa halka la yirahado Zoope.

Barnaamijkaan ayaa dadweynaha lasoo hadlay ku cabireen fikirkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin qaraxa ku dhacey dadka shacabka iyagoo halkaas tacsi uga direen eheladii dadkii halkaas ku dhintey iyo kuwa ku dhaawacmey.

Dadweynaha Idaacada la soo xiriirey ayaa soo jeediyey fikirkooda ku aadan sida wax looga qaban karo dhibaatada amni daro ee Soomaaliya ka jirta.

idaacada Radio Garowe ayaa wada barnaamij gargaar loogu ururinayo dadka ku dhaawacmey qaraxaan iyadoo maamulka warbaahintaan meel wanaagsan u mareyso ururinta deeqdaan.

Qaraxa magaalada Muqdisho ka dhacey ayaa waxaa ku dhintey 300 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 500 qof.

Dowlada Puntland ayaa shaacisay in kaalmo isugu jirta Daawo iyo Dhakhaatiir u direysa magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM