Swan oo tegaya Garowe xilli Farmaajo waqtiga ka dhacayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa Khamiista todobaadkan wuxuu u socdaalayaa caasimadda dowladda Puntland ee Garowe, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Swan ayaa la filayaa in uu qasriga madaxtooyadda kula kulmo madaxda maamulkan xubinta ka ah dowlada federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Wadahadalada ayay diirada ku saarayaan is-mari-waaga doorashooyinka.

Safarkan oo ah lugta labaad ee Swan ku marayo xarumaha dowlad goboleedyadda ayaa daaran sidii loosoo afjari khilaafka ka taagan coddeynta 2020-21 isla markaana xal wada ogol ah loogu heli lahaa is-qabqabsiga baajiyey fulinta heshiiskii 17-kii September.

Sidda ay xoguhu caddeynayaan, diblumaasigan Ameerikaanka ah ayaa lagu waddaa in ay safarkiisa Puntland kadib uu u socdaalo magaala madaxda dowlad goboleedyada kale ee waddanka.

Socdaalkiisa Garowe ayaa imaanaya xilli muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo dhamaanaya 8-da Febraayo ee sanadkan 2020 ay ka harsan tahay 20-casho walina aan laga heshiin doorashadda.

Bishaan Janaayo 14-keeda sanadkan 2020 ayay ahayd markii James Swan uu booqdey xarunta ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo halkaasoo uu kula shiray madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, waxayna kawada hadleen xalka khilaafka doorashooyinka.

Ka gedaal markii dhigiisa Galmudug ee Axmed Qoorqoor ku fashilmay waanwaan uu ka dhex-bilaabay dowladda, maamulada kasoo horjeeda iyo musharaxiinta, Laftagareen oo qudhiisa siyaasadiisu u jaranjeero Villa Soomaaliya ayaa dalbadey in kalkiisa fursad la siiyo.

Ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo, xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyadda lagu muransan yahay ee doorashooyinka ayaa xudun u ah khilaafka taagan. Dhinacyadda naqdiya dowladda way rabaan in qodobadaas lagu lifaaqo habraaca heshiiskii September.

Beesha Caalamka oo ka digtay in meesha laga saaro heshiiska iyo in la qabto doorashooyin iska soo horjeeda ayaa diyaarineysa madal ay isugu yimaadaan in madaxda Soomaalida si xal kama dambeys ah loo gaaro kahor inta uusan dhamaan muddo xileedka Farmaajo.

Hasa ahaatee, Farmaajo ayaa wali ka cagajiidaya in uu miiska wada-xaajoodka la fariisto madaxda kasoo horjeeda. Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin Daahir, oo gedaal ka riixaya diidmadaas wuxuu ka cabsi qabaa in Farmaajo uu tanaasulo hadii mar kale uu wadaxaajood ka qeybgalo.

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Heritage ayaa ka digay "dagaal doorasho oo Soomaaliya ka qarxi kara hadii muddo xileedka madaxweynuhu idlaado heshiis la'aan"; waxayna soo jeediyeen in la wadahadalo si looga baaqsado doorashooyin lagu murmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM