Qodobo xal u ah khilaafka doorashada oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa soo bandhigay qodobo uu sheegay in lagu xalin karo is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka 2020 iyo horaanta 2020-21.

Sidda laga soo xigtay faallo uu Isniintii daabacay Machadka, madaxweynaha wuxuu waqtiga ka dhamaanayaa iyadda oo maalmo ka yar 20 casho ka yarsan yihiin muddo xileedkiisa "dalkana wuxuu ku jiraa xaalad khatar ah".

"Haddii aan la helin heshiis deg-deg ah oo ku saabsan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxaa suurto gal ah in dowladda federaalka ay isku daydo in ay qabato doorasho aan loo dhammayn, taas oo ay u badan tahay in ay meelo badan oo dalka ah ka keento dagaallo," ayay sheegeen.

Heritage ayaa, sidda ku xusan faalladda ay baahiyeen, waxay soo jeedineysa in si heshiis loo gaaro ay muhiim tahay in la qaado talaabooyinkaan soo socda.

Guddiga Doorashooyinka: Marka koowaad, waxaan soo jeedineynaa in mucaaradku ay si deg deg ah ugu gudbiyaan magacyada ay ku andacoonayaan in ay ka mid yihiin shaqaalaha rayidka, taageerayaasha aan dhex-dhexaadka ahayn iyo iyo saraakiisha amniga, xafiiska ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay (SRSG), oo ah hayadda matasha beesha caalamka. Si uu ugala shaqeeyo DFS sidii loo beddeli lahaa xubnaha aan kalsoonida lagu qabin, iyadoo la raacayo heshiiskii 17-kii Sebtember-na isla markaana lagu beddelo xubno ka mid noqda guddiga doorashada kuwaas oo dhexdhexaad ah laguna kalsoonaan karo.

• Marka labaad, waxaan ku talineynaa in dhammaan dowlad goboleedyadu ay soo beddelaan xubnihii guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer maamul goboleedkooda ee ay soo magacaabeen, ee xilalka ka haya maamulladooda ama aan kalsoonida lagu qabin.

• Tan seddexaad, waxaan u soo jeedineynaa DFS iyo dhammaan maamul goboleedyadu in ay u soo gudbiyaan Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ciddii beddeli laheyd xubnahaas aan kalsoonida lagu qabin, si uu ugala shaqeeyo dhinacyada oo dhan si loo hubiyo in xubnaha guddiyada doorashooyinku ay yihiin kuwo ay isla wadar ogol yihiin dhammaan saamilayda.

Arrinka Somaliland: Waxa aan ku baaqaynaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Mahdi Gulled- oo ah labada masuul ee ugu sarreeya xubnaha Dowladda Federaalka ku matala Somaliland in ay si wada jir ah u soo magacaabaan guddiga maamulaya doorashada xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland. Waxa aynu aaminsan nahay in labada dhinacba ay diyaar u yihiin inay ka mira dhaliyaan arrinkaas sidii ay muujiyeen intii ay socdeen wadahadaladii Garoowe.

Is-mari-waaga haatan ka taagan doorashooyinka wuxuu salka ku hayaan saddex qodob oo kala ah; ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo, guddiyadda magacaaban ee lagu muransan yahay iyo xulista wakiilada Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM