​Taliska gobolka Mudug oo ka hadlay dagaal shalay ka dhacay Galkacyo

Image

GAROWE, Puntland- Taliska Booliiska gobolka Mudug ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Galkacyo iyo shaqaaqadii shalay ka dhacday xarunta gobolkaasi.

Taliyaha qaybta Booliska Mudug Gaashaanle Dhexe, Cabdiwaaxid Cabdule Warsame, oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in  xaaladda magaalada Galkacyo ay dagantahay islamarkaana aysan jirin wax cabsi ah oo laga qabo colaad deegaanka ka cusboonaata.

Cabdiwaaxid ayaa xusay in dagaalkii shalay dhacay uu ka fogaa magaalada isagoo xusay in arrintii dhibka dhalisay dhammaatay islamarkaana aysan jirin wax shido ah oo ka taagan magaalada.

Wuxuu meesha ka saaray inay jiraan ciidamo lasoo dhoobay magaalada Galkacyo oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, balse wuxuu tilmaamay in ciidamada Puntland horayba u joogeen gobolka, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax shido ah oo labada maamul inay kawada hadlaan u baahan.

Gaashaanlaha, ayaa wax laga weydiiyay dhisme la sheegay in murankii shlay ka bilowday, wuxuuna tilmaamay inaysan jirin wax dhul ah oo la isku haysto isagoo goobtaasi ku tilmaamay mid ay leedahay Puntland, wixii laga qabanayana cidna kala tashanayn.

Maxsuulkii ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay Galkacyo ayuu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo, isagoo hadalkiisa ku koobay in khasaaro jirayo hadii isku dhac yimaado.

Taliyaha, ayaa digniin u direy baabuur uu sheegay inay barakiciyaan shacabka, wuxuuna ku goodiyay in tallaabo laga qaadi doono ciddii lagu helo falkaasi.

Hadalka taliyaha ayaa yimid xilli magaalada Galkacyo shalay isku dhaceen labo mallayshiyo oo kasoo kala jeeda dhinaca Puntland iyo Galmudug.

Xaaladda magaalada ayaa haatan dagan, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo u dhaxeeya  labada maamulka oo kawada taliya xarunta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM