Taliyaha qaybta Booliska Nugaal oo ka badbaadey rasaas lala beegsadey

Image

GAROWE- Warar warsidaha Garowe Online soo gaarey ayaa sheegaya in Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal ka badbaadey rasaas ay maanta la beegsadeen ilaalada Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

"Rasaastaan oo kasoo dhacdey gaari kuwa loo yaqaan Tekinida ayaa lagu soo ridey Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal Cabdoraxman Xaaji Abshir xilli uu ku howl jirey howsha amaan Sugida Madaxweynaha Puntland oo xiligaas dhoofayey" sidaas waxaa GO u sheegey goob jooge ku sugnaa agagarka hotel Curuubo ee magaalada Garowe.

Lama oga sababta keentey in rasaastas lala beegsado Taliyaha balse wararka Garowe Online helayo ayaa sheegaya in la tuhunsan yahay iney daba joogtey warbixin dhinaca amaanka la xiriirta oo Cabdiraxman Abshir ka bixiyey maalmihii lasoo dhaafey xaalada amni ee magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Taliyaha ayaa warbixintaan oo uu ka akhriyey kulan amniga looga hadlo asbuuc walba ku sheegey in ciidanka madaxtooyada Puntland qoryaha ay wataan la soo Aadan magaalada Garowe gudaheeda taasoo qayb ka ah amni xumo maalmahaan soo korortey.

Taliska Booliska Puntland ayaa weli ka hadlin rasaasta lala beegsadey Taliyaha qaybta islamarkaana lama sheegeen iney weli  jirto talaabo laga qaadey askartiii xabadaha kasoo ridey gaariga korkiisa.

Sanadkii la soo dhaafey ayey aheyd markii sarkaal ka tirsan Booliiska ka howlgala magaalada Garowe toogasho uu ku diley Askari ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Askari Dilkaan gaystey oo qasaas ahaan loo diley markii dambe ayaa ka tirsanaa ciidanka amniga ka suga gudaha aqalka Madaxweyne Gaas  ka dagan yahay madaxtooyada Puntland.

Ciidamada suga amniga madaxtooyada Puntland ayaa ah kuwo xeryaha baneeya marka xilka Madaxweynahu isbadalo 18 sano ee maamulkaas jirey iyadoo mas'uul walba keensado ciidamo ka socda beeshiisa.

Isbadalkaan lagu sameeyo askartaan ayaa meesha ka saarta tababarka iyo aqoonta laga rabo iney yeeshaan Askarta ka howlgasha xarunta ugu sareysa ee looga arimiyo Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM