Puntland oo soo dhaweysay taliyeyaal iyo askar kasoo baxay Somaliland

Image

GAROWE, Puntland – Mas'uuliyiinta dowladda Puntland ayaa tuulada Ballibusle ee gobolka Sanaag kusoo dhaweeyay taliyeyaal iyo qaar kamida askartooda kuwaasoo kasoo baxay xoogaga maamulka Somaliland.

Taliyeyaasha oo lagu kala magacaabo Xayle Xaaji Diraac iyo Xuseen Dheere ayaa waxaa iyaga iyo ciidamadooda ay u soo wareegeen dhinaca Puntland, horaantii todobaadkan dhamaad xili maanta lasoo bandhigay.

Madaxda soo dhaweysay waxaa kamid ahaa; Cabdixakiim Dhoobo Daareed, afhayeenka Golaha Wakiilada Puntland iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag, Cabdullaahi Cumar Cashuur.

Xayle iyo Xuseen ayaa talaabada ay qaadeen waxay ka dambeysay markii ay ka biyo diideen amar ka yimid Hargeysa oo ku aadanaa in ay weeraraan wafdi ka socday Puntland oo gobolka joogay.

Saraakiishan iyo askarkooda ayaa waxay balanqaadeen in ay qayb ka noqon doonan difaaca gobolka Sanaag oo mudooyinkii dambe ay dhaqdhaqaaq ka wadeen xoogaga maamulka goon isu taaga ah.

Xuseen Maxamed, gudoomiyihii degmada Badhan ee Somaliland ugu magacownaa, kaasoo xilkaan iska casilay maanta oo Khamiis ah ayaa xubnaha lasoo dhaweeyay ku jiray.

Arrimahaan oo imaanaya xili Puntland iyo Somaliland ay dhaqdhaqaaq ka wadaa Sanaag ayaa la rumeysan yahay in ay dharbaaxo ku noqoneyso maamulka Hargeysa oo duulaan ku ah gobolkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM