Taliyihii Saldhiga Galdogob oo lagu dilay Bur-saalax

Image

GALDOGOB, Puntland- Taliyihii Saldhiga Booliiska degmada Galdogob ee gobolka Mudug, Cabdixamiid Warsame, ayaa lagu dilay weerar ka dhacay degmada Bur-saalax ee isla gobolkaas, waxaana ka dambeeyay ciidamo katirsan Booliiska Puntland oo ku sugnaa halka weerarku ka dhacay.

Taliyaha ayaa xalay lagu dilay goob dhowr KM u jirta Bur-saalax waxaana weerarkaas ku dhaawacmay saddex kamid ah ciidamada Puntland, sida uu warbaahinta gudaha u xaqiijiyay Guddoomiyaha Galdogob, Xasan Faarax Ayaxle.

Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda ayaa gaaray Bur-saalax, kuwaasoo ku guda jira baaritaan lagu samaynayo dhacdadaas.

Sida wararku sheegayaan lama aasin marxuumka, waxaana hadda socda dedaalo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dablayda ka dambaysay dhacdadan.

Guddoomiye Ayaxle, ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay 4 kamid ah ciidamadii ka dambeeyay weerarka lagu dilay Taliye Cabdixamiid.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaysa sababta lagu dilay Taliyahaas, waxaana mas'uuliyiinta gaaray Bur-saalax warbaahinta u sheegeen in laga shakiyay taliyaha gaari uu watay, sidaas darteed Askar joogtay Kantarool ay ku fureen rasaas taasoo sababta geerida marxuumka.

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya in dilka taliyaha ay ka dambeeyeen askarta katirsan ciidanka Booliiska ee gacanta lagu dhigay iyo kuwo lagu raad joogo, kuwaasoo bixiyay warbixin khaldan oo la xariirta gaariga taliyaha, kuwaasoo sheegay inay baaburka ay saaranyihiin xubno baxsad ah oo katirsan ururka Al Shabaab.

Balse, Guddoomiyaha gobolka Mudug, Xassan Maxamed Khaliif, ayaa tilmaamay in baaritaanka kadib wixii dhacdadaas la xariira ay warbaahinta usoo gudbin doonaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM