​Toogasho lagu dilay Taliyihii Garoonka Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Nin hubaysan oo la sheegay inuu kamid ahaa Ilaalada Garoonka diyaaradaha Galkacyo ayaa galabta goor gaaban toogasho ku dilay labo qof oo mid kamid ahaa Taliyihii Garoonka Diyaaradaha magaalada Galkacyo, Marxuum Cabdisalaan Sanyare.

Dilka waxaa xaqiijiyay saraakiisha ammaanka magaalada Galkacyo, waxaana ninka falkaas ka dambeeyay uu walaal la ahaa sida wararka uu helayo Garowe Online sheegayaan nin horay Garoonkaa ugu toogtay Bishii April, 2014 saraakiil katirsanaan jirey hay'adda UNODC.

Howgal qaatay daqiiqado kooban ayaa la sheegay in lagusoo qabtay gacan ku dhiiglihii iyo shakhsi kale oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa garoonka kaasoo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa toogashada.

Lama oga sababta keentay in la dilo Taliye Sanyare, balse warar aan la xaqiijin ayaa xusaya inay isku qabteen arrimo Maaliyadeed.

Maamulka gobolka Mudug iyo Degmada Galkacyo wali kama hadlin dhacdadan lagu dilay taliyihii Garoonka Galkacyo.

Xiriiro Warsidaha Garowe Online la sameeyay saraakiisha ammaanka waxaa adkaatay inuu helo xog la xariirta sida wax u dhaceen iyo halka ay marayso hadii uu jiro baaritaan la xariira falkan.

Dhacdadan ayaa timid sannado kadib markii sidaan oo kale saraakiil katirsanaa Qaramada Midoobay lagu dhex dilay Garoonka iyadoo shakhsigii falkaas gaystay la sheegay in maskaxda looga jiray.

Xaaladda ammaan ee Galkacyo ayaa mudooyinkii dambe hagaagsanayn inkasto dilalka loo gaysanayo saraakiisha dowladda, waxgaradka uu ahaa kuwo inta badan ay fuliyaan xarakada Al Shabaab. Lama oga dhacdadan inay xiriir la leedahay falal argagixiso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM