​Turkiga: Askartii weerartay Erdogan oo la qabtay

Image

ANKARA, Turkey: Warar ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay 11 kamid ah askar la sheegay inay weerareen hotel uu daganaa madaxweyne Recap Dayib Erdogan xilligii u dhacay Afgambigii dhicisoobay 15 July.

Raggan oo katirsanaa ciidamada Kumaandoosta dalkaas ayaa la sheegay inay muddo baxsad ahaayeen iyagoo markii dambe laga helay magaalada dalxiiska ee uu Edogan ku sugnaa xilliga inqilaabku dhacay.

Warark ayaa sheegaya in raggaas tageen hotelka xilli madaxweynuhu meesha ka baxay kadib markii uu helay xog sheegay inay kusoo wajahanyihiin koox isaga loosoo diray.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aanay cidina wadin loo adeegsaday in lagu raadiyo ciidammadaasi baxsadka ah.

Arrintan ayaa timid kaddib markii dadka deegaanka oo ka ugaarsanayay keyn halkaa ku taal ay raggaasi ku arkeen oo ay soo sheegeen

Xariga maanta ah ayaa ah kii ugu dambeeyey olole ka dhan ah dadka lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen weerarka.

Dowladda Turkiga ayaa shaqada ka ceyrisay 1,400 oo shaqaale Milatari ah oo u ku jiro la-taliyihii dhinaca milatariga ee madaxweyne Erdogan.

In ka badan 50,000 oo qof ayaa dalka Turkiga lagu xiray tan iyo markii uu fashilmay isku daygii afgambi ee dalkaas, waxaana dadkan gebigood lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen weerarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM