​Udxiyo Katimid Muslimiinta Jarmalka oo Garowe laga qaybiyay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Deeq katimid Muslimiinta ku nool waddanka Jarmalka islamarkaana ay soo dirtay gabar Somaaliyeed oo lagu magacaabo Sahro Cabaas Faarax taasoo markii dambe lagu iibiyay Ari gaaraya 34 neef kuwaasoo saaka loo qaybiyay dadka danyarta ah ee ku nool Caasumadda Garowe.

Deeqdan ayaa la gaarsiiyay xarumaha carruurta Agoonta ah, goobta lagu hayo Waalan iyo kaamka Barakacaayaasha Washington.

Wakiilka dadkaas gaarsiiyay deeqdan Cabdirasaaq Maxamed Agoon oo ka hadlayay Udxiyadan saaka loo qaybiyay masaakiinta ku nool Garowe ayaa sheegay in kaalmadan ay ka timid Muslimiinta Jarmalka.

Cabdirasaaq ayaa intaas ku daray in sannadkasta sidaan oo kale u qaybiyaan Udxiyo katimaada Jarmalka.

Wuxuu isagoo sii hadlaya u mahadceliyay dhammaan muxsiniinta isku howlay inay ka farxiyaan dadka aan awoodin inay maalintan si wanaagsan u ciidaan.

Kaamka Washington oo ay ku jiraan dad kasoo barakacay Abaarta iyo Colaadaha ka jirta Koonfurta Somalia, ayaa xoolaha ugu badan ee deeqdaas lagu iibiyay saaka loo qaybiyay iyagoo la guddoonsiiyay 12 neef kuwaasoo lagu wareejiyay Guddoomiyaha Kaamka.

Isagoo Guddoomiyuhu ka hadlayay Udxiyada lagu wareejiyay, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay arrintan islamarkaana nafci badan ka heli doonaan, wuxuuna dadka deeqda la baxay ALLE uga baryay inuu Ajar ugu badalo.

Sannad kasta xilliyadan oo kale waxaa jira Muslimiin badan oo la baxa deeqda Udxiyada si ay uga farxiyaan Kumanaan Muslimiin faqiir ah oo aan awoodin inay udxiyaystaan. 

Halkan ka Daawo Muuqaalka Qaybinta Udxiyada 

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM