​UN-ka oo qoraal u gudbiyay Cabdiwali Gaas oo ku wajahan Muqdishu

Image

GAROWE, Puntland- Wakiillo katirsan guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia, heer Puntland iyo Guddi kasocda haweenka ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Garowe.

Kulankaas ayaa looga hadlayay qoondada dumarku ka heleen Aqalka Sare ee xalay ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, kuwaasoo ka kooban 11 xubnood.

Haweenka ayaa xubno katirsan Xafiiska Qaramada Midoobey ku wargaliyay in la duudsiyay qoondadii ay ka heleen shirkii madasha wadatashiga ee dhawaan lagusoo afmeeray magaalada Muqdishu.

Waxay sidoo kale u sheegeen inaan waxba laga soo qaadin halgan iyo dadaal dheer oo ay ugu jireen inay helaan xubnaha ay xaqa ugu yeesheen golaha sare ee Barlamanka dalka Somalia.

Shirkaas kadib ayaa UN-ku, waxay qoraal u gudbiyeen madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, kaasoo ay kaga dalbayaan inuu meel saaro xuquuqda dumarka ee Aqalka Sare.

Qaramada Midoobay, ayaa qoraalkooda ku cadaadiyay in Gaas oo suu magacaabo labo xubnood oo dumar ah kuwaasoo ay dhexdooda tar-tamaan si u cadaato qoondadooda 30%.

Gaas, arrintaasi wax jawaab ah kama siin xubnaha kasocday Xafiiska Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee Puntland.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii liis uu xalay soo saaray madaxweynaha Puntland ka dhex muuqdeen dhowr dumar ah, kuwaasoo lagu lammaaniyay siyaasiyiin miisaan ahaan ka mug-weyn, taasoo la macno ah inay kaga adkaan doonaan doorashada ay wajahi doonaan.

Dhinaca kale, wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas Barri ku wajahanyahay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia halkaasoo kaga qayb gali doono shir ay yeelanayaa madaxda Somalida.

Kulankaas ayaa la shaaciyay inuu kamid yahay madasha watashiga Qaran oo dhawaan lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdishu.

Xasan Sheekh Maxamud iyo xulafadiisa siyaasadda ayaa xogtu sheegaysaa in kulankaasi dabada ka riixayaan si dib u dhac loogu sameeyo waqtiga doorashada.

Lama oga ilaa hadda ajandayaasha looga  hadli doono kulankaas oo ah mid aan horay loogu ballamin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM