Waan waan ka socota gobolka Sool [Dhagayso]

Image

LAASCAANO- Magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaq ku aadan sidii loo joojin lahaa dhiiga ku qubanaya deegaanka Dharkayn-geeyo ee gobolkaasi.

Gudoomiyihii hore gobolka Sool ee Puntland Axmed Ibraahin Faracade oo la hadlayay maanta Radio Garowe ayaa sheegay in magalada Laascaano uu ka socdo abaabul ku aadan joojinta colaadda, isagoona intaas ku sii daray in shalay wax-garad ay ku baxeen goobaha dagaaladu ka dhaceen.

Faracade, ayaa xusay in khilaafkan muddo soo socday islamarkaana rajaynayaan inay dhawaan soo afjaraan, isagoo intaasi raaciyay in Odayaasha labada dhinac oo kaashanaya waxgaradka gobolka ku howllanyihiin sidii looga fogaan lahaa dhiig mar kale daata.

Dagaal bishan gudaheeda ka dhacay gobolka Sool ayaa sabab dhimasho, dhaawac iyo barakac u dhaxaysa beelaha ood-wadaaga  ah.

Wararkii ugu danbeeyay aan ka helayno Dharkayn-geeyo waxay sheegayaa in dagaalo xalay halkaasi ka dhacay ay sababeen dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM