​Wafdi kasocda DFS iyo maamul goboleedyada oo Garowe soo gaaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wafdi kasocda dowladda Federaalka Somalia iyo maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudg iyo HirShabeelle ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wasiiro iyo saraakiil kale oo katirsan dowladda Puntland ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kanooko, kahor inta aysan shir kula qaaday gudaha Magaalada.

Mas’uuliyiintan oo maalmaha soo socda lagu wado inay shirar iyo kulamo ku yeeshaan gudaha Puntland, ayaa ujeedka safarkooda lagu sheegay inay la xariirto sidii ay khibar uga korosan lahaayeen Puntland gaar ahaan dhismayaasha golahaasha deegaanka iyo daadejinta maamulka.

Wafdiga waxaa sidoo kale la socda Xildhibaano katirsan Barlamanka Somalia iyo Agaasimayaal guud.

Socdaalka mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale qayb ka ahaa sidii ay u qaadan lahaayeen khibrad iyo talooyin ku aadan Barnaamijka hormarinta degmooyinka.

Agaasimaha Guud ee Fedraalka iyo Dib u heshiinta wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Wahaab oo qayb ka ahaa xubnaha yimid magaalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalka mas’uuliyiintaas wuxuuna sheegay inay u yimaadeen sidii Puntland oo ah maamulka ugu faca weyn kuwa ku midaysan nidaamka Federaalka dalka ay uga qaadan lahaayeen aqoontooda ku aadan hormarinta dowladaha hoose.

Madoobe Nuunow Maxamed oo ah wasiirka  Arrimaha Gudaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo u hadlayay afka dowlad goboleedyada ayaa u mahadceliyay Puntland, wuxuuna sheegay inta ay joogaan inay ka faa’iidaysan doonaan wixii hormar ah ee maamulkan uu gaaray.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in walaalahooda ka yimid maamullada kale ay siin doonaan wixii khibrad ah ee ay dheeryihiin, isagoo intaas ku daray in wixii hadal ah u dib dhigan doonaan kulamadooda dambe.

Maaha markii ugu horaysay ee wafdi kasocda maamullada dalka ay yimaadaan magaalada Garowe iyagoo raadinaya khibradda ay dheertay Puntland oo la aas-aasay sannadkii 1998.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM