​Wakiilka Midowga Yurub oo macasalaameeyay Puntland [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Ambassador Michele Cervone d'Urso, ayaa safar ku jooga magaalada Garowe caasumadda Puntland isagoo kulan la qaatay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Shir albaabadu u xirnaayeen oo labada mas'uul ku dhexmaray xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe, ayaa looga hadlay waxqabadkii Wakiilkan ee 4-tii sano Somalia uu joogay.

Kulankan ayaa sidoo kale ahaa sagootin maadaama uu dhammaaday mudadii uu joogay waddanka Somalia.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa Ambassadorka guddoonsiiyey hadiyado ka kooban waxyaabaha hiddaha iyo dhaqanka u leeyihiin ummadda Soomaaliyeed, iyadoona kulanka kadib ay Madaxweynaha iyo Ambassadorku si wada jir ah warbaahinta ugu qabtay xarunta madaxtooyada.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Michele Cervone d'Urso uu muddadii 4-ta sanno ahayd ee uu xilka hayey Midowga Yurub ka hirgeliyeen Puntland mashaariic badan oo horumarineed, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Gaas ayaa wakiilka ku ammaanay shakhsi wanaagsan oo dalka Somalia waxqabad la taaban karo ka sameeyay, wuxuuna u rajeeyay inuu tago boos kale oo wanaagsan, isagoo xusay inuu ka qayb qaatay geedi socodka doorashada dadban ee Somalia.

Ambassador Cervone ayaa Madaxweynaha dawladda Puntland uga Mahadceliyey sidii wanaagsanayd ee ay usoo wada shaqeeyeen muddadii uu xafiiska joogey, isagoona intaa ku daray in ay halkoodii kasii socon doonaan mashaariicdii horumarineed ee uu midowga Yurub ka fulinayeen Puntland.

Cervone, oo sheegay inuu kasoo shaqeeyay waddanka Yemen, ayaa tilmaamay in waxyaabo badan la qabtay  Bur-cad badeeda iyo hannaanka dimuqraadiyadda Puntland, isagoo madaxweyne Gaas ku dhiirigaliyay in qorshahaas laga dhabeeyo.

September, 2012 ayay ahayd markii Midowga Yurub Wakiilkii ugu horeeyay usoo magacaabeen dalka Somalia kaasoo noqtay Cervone.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM