Wararkii ugu dambeeyay Weerarkii Balli-Khadar iyo Khasaaraha ka dhashay

Image

BOOSAASO, Puntland - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo xalay saqdii dhexe Kooxda Al-Shabaab ku qaadey Saldhig ay ciidamada Badda Puntland ku leeyihiin Balli-Khadar oo ku dhaw Buuraha Galgala ee gobolka Bari..

Dagaal xooggan oo saacado socdey ayaa labada dhinac ku dhexmaray goobta, kaasi oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho ah iyo dhaawac oo soo kala gaarey labada dhinac, sida dadka deegaan ay u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Ururka Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday ayaa war qoraal ah oo uu ku baahiyay baraha Internet-ka ku sheegay in dagaalka ay ku dileen inta u dhaxeysa 5 illaa 7 Askari oo katirsanaa Ciidamada PMPF-ta, islamarkaana ay ku gubeen gaadiid dagaal.

Warar hoose oo GO ka helayo Illo ku dhaw Taliska Ciidamada Puntland ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 6 Askari ay ku dhinteen weerarka Al-Shabaab, islamarkaana ay suurta-gal tahay in khasaaraha intaas ka badan karo maadaama wali tira koob la sameyn.

Intii uu socday dagaalka, Kooxda Al-Shabaab ayaa u suurt-gashay inay la wareegto gacan ku heynta deegaanka kadib markii ay Ciidamada Puntland sameeyeen dib u gurasho. [Halkan ka akhi Warka].

Xaalada deegaanka ayaa ah hadda mid degan, iyadoo dadka deegaanka saaka si wayn u hadal-hayeen weerarka soo xasuusiyay kii Af-Urur lagu qaadey 8 June 2017, kaasoo lagu dilay askar badan oo katirsanaa Ciidamada difaaca Puntland.

Duulaanka Saldhiga Balli-Khadar ayaa qeyb ka yahay weeraro Al-Shabaab ku qaadeyso fariisimaha Ciidamada Soomaaliyeed tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadan, waxaana dhanka kale kusoo beegmayaa xilli Puntland dagaal kula jirto Somaliland.

Dowladda Puntland ayaa horey ugu eedeysay Somaliland inay taageerto Kooxaha argagaxisada ku sugan dhulka Baaraleyda ah ee gobolka Bari, kuwaasi oo weeraro kusoo qaada Ciidamadeeda.

Shalay, Al-Shabaab ayaa la wareegtay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan kadib duulaan ay ku qaadey Ciidamadii dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM