​Warbaahinta Puntland oo dacwad ka gudbin doonta wasiir Soocade [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha ururka Saxafiyiinta Puntland  ee MAP Faysal Khaliif Bare oo maanta 10 July, 2016 shir jaraa'id ku qabtay afaafka hore xarunta maxkamadda darajada koowaad gobolka Nugal ee magaalada Garowe, ayaa ka hadlay siyaasadda wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade, waxayna dhaliil usoo jeediyeen qaabka warbaahinta madaxa banaan ula dhaqmay.

Faysal ayaa madaxweynaha Puntland baaq u diray, wuxuuna ka codsaday inuu dib u eego Ajandayaasha wasiirka warfaafinta ee ku aadan warbaahinta, wuxuuna sheegay inay tahay wax laga xumaado ku tumashada xuquuqda ay leeyihiin warbaahinta, isagoo tilmaamay inay door ka qaateen sidii magaca Puntland kor loogu qaadi lahaa.

Wuxuu xusay inaysan haboonayn waqtiga doodo la abuuro iyo khilaaf soo kala dhexgala warbaahinta iyo wasiirka wasaaradda warfaafinta, waxaana guddoomiyaha ururka MAP Faysal Khaliif Barre uu intaasi raaciyay inay waqtigan isu diyaarinayeen marxaladda kala guurka ah iyo doorashooyinka dhacaya 2016.

Mar uu ka hadlayay qorshayaashooda ku aadan wasiirka warfaafinta, waxay sheegeen inay wadaan dacwad ka dhan ah Maxamud Xasan Soocade, isagoo tilmaamay inay maalinta barri ah 11 July u gudbin doonaan maxkamadda.

Hadalkan, ayaa soo baxay maalin kadib markii amar kale oo wasiirka warfaafinta Puntland kasoo baxay wariyaasha lagu amray inay iska soo diiwaan galiyaan xarunta wasaaradda warfaafinta ugu dambayn 25 bishan.HALKAN KA AKHRISO

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM