​Wariyaal katirsan Radio Garowe oo la bogaadiyay

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP Faysal Khaliif Barre iyo maamulka warbaahinta Radio Garowe ayaa bogaadin u jeediyay Afar kamid ah howl wadeennada Idaacaddaasi.

Wariyaashan oo kala ah; Fadumo Maxamed Maxamud, Nasro Cabdirasaaq Axmed, Cabdirasaaq Maxamed Xayir iyo Maxamed Cabdicasiis Cusmaan, ayaa loo diray dhambaal hambalyo ah iyagoo lagu ammaanay dadaal iyo karti dheeri ah oo ay muujiyeen.

Waxay kamid ah ahaayeen Afartan Saxafi, Arday dhawaan shahaadada koowaad ee Jaamacadda (Degree), ka qaatey Bariga Afrika iyo PSU, iyagoo bartay culuum kala duwan.

Agaasimaha warbaahinta Radio Garowe, Axmed Cawil Jaamac oo hambalyo u dirayay Saxafiyiintan ayaa sheegay inay tahay guul usoo hoyotay Idaacadda iyo guud ahaan saxaafiyiinta Puntland, isagoo xusay inay u samayn doonaan dhiirgalin.

Wuxuu sheegay intii ay ku jireen waxbarashada inay Idaacaddu garab taagnayd islamarkaana u samaysay waqti u saamaxaya inay waxbarashadooda sii wataan.

Axmed, ayaa intaas ku daray in iminka Radio Garowe ka howl galaan wariyaal kale oo dhawaan ka qalin jabin doona jaamacadda dalka isagoo sheegay inay muhiimadda koowaad siiyaan dhalinyarada waxbarata, isagoo meesha ka saaray inaan la isku wadi karin Shaqada warbaahinta iyo waxbarashada.Halkan ka dhagayso

Dhinaca Guddoomiyaha ururka MAP, Faysal Khaliif Barre, ayaa hambalyo u diray saxafiyiinta qalin jabisay, wuxuuna sheegay inay tallaabadan  wax weyn ka badali doonto xaaladda dalka iyo tayada wariyaasha, wuxuuna maamulka Radio Garowe ku ammaanay tanaasulka ay u samaysay dadka tiradaas leh ee isku waday shaqada iyo waxbarashada, isagoo xusay inay baal dahab ah Idaacaddu ka gali doonto baal dahab ahHalkan ka dhagayso

Wariyaashan ayaa kala bartay cilmiga; Hormarinta Bulshada (Faadumo Maxamed Maxamud, Cabdirasaaq Maxamed Xayir), IT (Maxamed Cabdicasiis Cusmaan) iyo BBA (Nasro Cabdirasaaq Axmed).

Mar ay dareenkooda la wadaageen Radio Garowe, waxay sheegeen inay ku faraxsanyihiin heerka ay gaareen, isagoo tilmaamay inay sii wadi doonaan waxbarashada.

Waa markii ugu horraysay oo ay Arday saxafiyiin ah oo tiradoodu intaas gaarsiisantahay islamarkaana ka shaqeeya hal xarun isku mar ka qalin jabiyaan Jaamacad, waxayna kusoo beegantay xilli wariyaasha inta badan lagu dhaliilo inaysan lahay aqoon Jaamacadeed. Waxayna arrintan daaha ka qaadaysa caqab ku hor gudbanayd wariyaasha Somaliyeed oo haatan ku shaqeeya marxalad adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM