​Wariyaasha Puntland oo loo tababarayo tabinta doorashada Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe ka furmay tababar ku saabsan qaabka wariyaasha Puntland uga qayb qaadan karaan doorashada la filayo in dalka Somalia ka dhacdo dabayaaqada sannadka 2016.

Ku dhawaad 30 wariye oo gobolada Puntland isaga kala yimid ayaa ka faa'Iidaysanaya aqoon is-weydaarsigan, waxaana u jeedku uu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada warfidiyeenka Puntland iyadoo inta uu socda wax la iska weydiin doono qaabka ugu haboon ee wararka bulshada loogu godbin doono, doorka ay ku yeelanayaan doorashada iyo qaabka looga tallaabsanayo caqabadaha imaan kara.

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Puntland Faysal Khaliif Barre, ayaa sheegay in tababarkan uu muhiimad ballaaran u leeyahay Suxufiyiinta, wuxuuna ugu baaqay inay ka faa'iidaystaan

Agaasimaha Guud ee wasaarada warfaafinta dowladda Puntland Mowliid Abuukar Abkeey ayaa Ururka MAP ugu mahadceliyay tababarka ay siinayaan wariyaasha, wuxuuna  usoo jeediyay inay muhiimadda koowaad ka dhigaan dhinaca hormarka ee aysan eegin waxyaabaha bur-burka keenaya.

Aqoon isweydaarsigan ayaa lagu wadaa inuu socdo saddex bari, waxaana bixin doona Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali Kismaayo, wuxuuna kusoo aaday xilli la isu diyaarinayo doorashada waddanka ka dhici doonta 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM