Wasaarada Arimaha gudaha Puntland oo ka maqan doorashada golaha Degaanka Galkacayo

Image

GAALKACAYO- Doorashada golaha Degaanka Degmada Galkacayo oo Ka dhacdey xarunta dowlada hoose ee magaalo madaxda gobolka Mudug ayaa waxaa maamulayey guddi gaar ah oo uu Madaxweynaha Puntland u magacaabey. 

Madaxwynaha Puntland ayaa ku aamini waayey Wasaarada Arimaha gudaha Puntland howshaan kadib markii golayaasha Degaanka qaar ka tirsan degmooyinka Puntland ku dhamaadeen muran iyo is-qab-qabsi xoog leh.

Waxaa dhowaan fashil ku dhamaadey dhismaha golaha Degaanka Degmada Dangorayo kadib markii Wasaarada Arimaha gudaha iyo madaxda gobolka Nugaal faragalin toos ah ku sameeyeen doorashadaas.

Magaalada Boossaso oo Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha hogaminayey guddigii dhisayey golaha Degaanka ee gobolkaas ayaa muran ka dhashey waxaa uu gaarey Maxkamada sare ee Puntland.

Xukuumada Puntland ayaa tan iyo intii ay la wareegtey talada dalka waxay bilowdey iyada oo aan sharciyada u Marin iney kor dhiso tirada golayaasha Degmada Puntland taasoo dhalisay muran iyo dib u xisaabtan beelaha dhexdooda ah.

Wasiirka howlaha guud ee Puntland ayaa madax ka ahaa guddiga dhisayey golaha Degaanka Galkacayo isagoo ah shaqsi aad ugu dhow Madaxwyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo kor ka maamulayey xulashada iyo doorashada golaha Degaanka Galkacayo ayaa dhinaciisa xubnaha golahaan ku kordhiyey 4 xubnood kuwasoo ka caawiney inuu soo baxo duqa Degmada uu ka balanqaadey mid kamid ah beelaha gobolka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM