Wasaaradda Amniga oo amarro kusoo rogtay hoteelada Puntland [AKHRI]

Image

GAROWE, Puntland- Amar kasoo baxay wasaaradda amniga Puntland ayaa lagu mamnuucay in shirar lagu qabsado hoteellada iyo meherada ku yaalla magaalooyinka Puntland.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka amniga Puntland oo ay wax ka ogtahay Madaxtooyada ayaa loogu goodiyay xarumahaas ganacsi inaan lagu qabsan karin shirar lagu dhaliilayo dowladda.

Waxaa amar la siiyay laamaha amniga, guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka kuwasoo la faray inay fushadaan howsha kaga aadan warqadan.

Ciddii jabisa amarkan ayaa qoraalkan lagu sheegay in sharciga lala tiigsan doono.

"Iyadoo ay maalmahan la qabanayay shirar qarsoodi ah oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgalyada shacabka Puntland, waxaa la farayaa dhammaan laamaha ay warqadani sida tooska ah ugu socoto inaan la qaban karin wax shirar siyaasadeed ah oo lagu khalkhal galinayo amniga Puntland," Ayaa lagu yiri warqadan.

Amarkaan ayaa soo baxay xilli magaalooyinka waaweyn ee Puntland lagu qabanayo kulamo looga soo horjeedo siyaasada Madaxweyne Gaas ku hagayo Puntland.

Shacabka Puntland ayaa ka cabanayo sicir barar, amni xumo, musuqmaasuq ragaadiyey hay'adaha dowlada iyo madaxda sare ee mamaulka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM