Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo xustay Maalinta Carruurta Africa [Sawirro+Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa maanta xustay maalinta caalamiga ah ee Carruurta Africa taasoo looga hadlo hormarinta waxbarashada dhalaanka iyo qaabkii loo ilaalin lahaa xuquuqdooda.

Kulan ka dhacay xarunta wasaaradda ee magaalada Garoowe oo ay kala soo qayb galeen mas’uuliyiinta katirsan wasaaradda, hay’adaha kala shaqeeya waxbarashada, Arday iyo marti sharaf kale ayaa looga hadlay sidii loo hormarint alahaa waxbarashada Carruurta.

Faadumo Xasan oo ka socotay hay’adda Relief International, ayaa tilmaamtay in muhiimadda loo qabanayo kulamadan ay tahay sidii carruurta Puntland u heli lahaayeen waxbarasho lacag tayaysan iyo goobo u saamaxaya adeegyo dhammaystiran oo dhinaca aqoonta ah, waxayna ku baaqday in dhallaanku helaan aqoon lacag la’aan ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha waaxda hormarinta waxbarashada Carruurta ee wasaaradda, Maxamud Cabdisalaam Cali oo isna goobta, ayaa sheegay in wasaaraddu hormar la taaban karo ka samaysay dhinaca hormarinta waxbarashada Carrurta wiilal iyo Gabdho tobankii sano ee u dambaysay.

Waxay sheegeen in wasaaraddu taageerto dhallaanka danyarta ah waxbarashadooda iyo kuwa ku nool goobaha barakacayaasha.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax oo shirkaas soo xiray ayaa sheegay in wasaaraddu degsatay siyaasad ay ku hormarinayso waxbarashada asaasiga ah isagoo ka codsaday dowladda, dadweynaha iyo hay’adaha caalamiga ah inay gacan ka siiyaan sidii loo fulin lahaa siyaasadaas.

Dr. Maxamed ayaa sidoo kale u mahadceliyay dadkii soo qaban qaabiyay kulanka iyo cid kastoo gacan ka gaysatay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in wasaaraddu wado qorshe ay lacag la’aan uga dhigayso waxbarashada aas-aasiga ah.

Xuska maalinta carruurta Africa oo sannad kasta wasaaraddu xustay ayaa kusoo beegmay xilli mudadii u dambaysay Puntland ay hormar ka samaynaysay dhinaca aqoonta islamarkaana ay soo saaraysay Kumanaan Arday ah oo bartay culuum kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM