​Wasiir katirsan xukuumadda Puntland oo is-casilay

Image

GAROWE, Puntland- Wasiir katirsan dowladdda Puntland, ayaa shaqadii katagay kadib markii uu is-casilaadiisa u gudbiyay madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas oo aqbalay sida wararku sheegayaan.

Wasiiru dowlihii Madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Maxamed Cabaas Macalin Cumar ayaa ku dhawaaqay inuu jagadaasi katagay, inkastoo uu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo arrinta rasmiga ah ee ka dambaysay shaqo katagistiisa.

Tallaabadan ayaa loo badinayaa isku-shaandhayn uu wado Madaxweyne Gaas inuu ku sameeyo golihiisa wasiirrada.

Cabaas, ayaa safarro kala duwan waddanka dibadiisa ugu baxay, ayaa keenay deeqo kala duwan, kuwaasoo warar madaxbannaan sheegayaan inaan loo gudbin goobihii loogu talo galay, taasina la xiriirto is-casilaadiisa.

Xiriiro aan la samaynay, wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo tallaabadan uu shaqada kaga tagay.

Madaxtooyada Puntland ilaa hadda kama aysan hadlin qorshaha wasiirkii labaad muddo todobaad gudaheed oo isu casilayo.

Dhawaan, waxaa is-casilay wasiirkii Warfaafinta Maxamud Xasan Soocadde, oo isna sababta ku sheegay arrimo u gaar ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM