Puntland: ​Weerar lagu qaaday Kantaroolka Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Mallayshiyaad hubaysan ayaa xalay saq dhexe weerar ku qaaday Kantaroolka laga galo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo dhowr jeer lagu qabtay qaraxyo kooxda Al Shabaab doonaysay inay galiso magaalada.

Weerarka oo dhacay Abaare 01:00am habeenimo xilliga Bariga Afrika, waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal katirsan laamaha amniga Puntland oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashadu gaarayso 8 qof oo uu ku jiro taliye ku-xigeenkii saddexaad ee ciidanka Kantaroolka Boosaso kaasoo lagu magacaabi jiray Abshir Maxamud Muuse (Caato). Dadka dhintay ayaa u badan shacab waxaa ku jira haween, kuwasoo maydkooda la geeyay Cusbitalka Boosaaso.

14 qof oo Shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaas xilli ay  ku sugnaayeen nawaaxiga Kantaroolka Boosaaso gaar ahaan halka gawaarida lagu celiyo habeenkii.

Sarkaalkan oo magaciisa codsaday inaan la shaacin ayaa ku waramay in ciidamadu iska difaaceen weerarka mallayshiyadaas oo uu sheegay inay ahaayeen Al Shabaab.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay Dowladda Puntland.

Dhinaca kale lama oga cida fulisay weerarkaas, balse waxaa lagu tuhmayaa kooxda Al Shabaab oo inta badan mas’uul ka ah falalka amni darro ee ka dhaca gobolka Bari.

Arrintan ayaa timid xilli maalmo kahor Madaxweyne Gaas abaal-marin siiyay ciidamo ay ku jiraan kuwa Kantaroolka, kadib markii ay gacanta ku dhigeen Qaraxyo iyo lacago faalso ah oo si dhuumasho ah lagu doonayay in lagusoo galiyo xarunta ganacsiga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM