Xafladda furitaanka Kalfadhiga 40aad ee Barlamanka Puntland oo socota [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Waxaa hadda si toos ah uga bilaabatay xarunta golaha Barlamanka Puntland ee magaalada Garoowe xafladda furitaanka Kalfadhiga 40-aad ee golaha shacabka Puntland.

Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay oo hoolka ku sugan Guddoomiyaasha labada Aqal ee Barlamanka Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland, golayaasha dowladda, xildhibaano katirsan golayaasha shacabka ee dowladda Federaalka iyo marti sharaf kala duwan.

Guddoomiyaha gobolka Nugal oo hadda ka jeedinaya khudbad ayaa codsi u gudbiyay guddoomiye Jawaari kaasoo ah inuu la kulmo bulshada ka timid gobolka Koonfurta Soomaaliya ee ku nool gobolka Nugal.

Senetarada Aqalka sare iyo Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ayaa la filayaa in daqiiqadaha soo socda kalmado ka jeediyaan furitaanka Kalfadhiga iyadoo sidoo kale ay hadleen qaar kamid ah bulshada rayid ah.

Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona arrimaha ugu muhiimsan ee laga jeediyo hoolka Barlamanka Puntland.

Waa markii ugu horaysay Guddoonka labada Aqal ee Barlamanka Soomaaliya ay ka qayb galaan Kalfdhiga Xildhibaanada Puntland iyadoo aysan jirin xafiisyo hay'adaha dowladda dhexe ku leeyihiin xarumaha maamul goboleedyada.

Booqashada labada Guddoomiye ee Garoowe ayaa kusoo aaday xilli uu jiro mugdi siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamullada xubnaha ka ah.


Warsidaha Garowe Online oo warar ka helaya ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in magalaada Garowe ka socda kulamo u dhexeeya waftiga ka yimi Muqdisho ee labada aqal Barlamanka Soomaaliya iyo madaxda Puntland kuwasoo lagaga hadlayo sidii hay’adaha Dowlada uga qayb qaadan lahaayeen sidii nidaamka Federaalka loo baahin lahaa.

Kulamadaan ayaa sidoo kale waxaa lagaga hadlayey kulanka la filayo in 28 Oct, 2017 wada galaan Dowlada Federaalka iyo madaxda maamulada Soomaaliya kaasoo ka dhici doona magalaada Muqdisho.

Golayaasha Barlamanka gaar ahaan aqalka sare ayaa sameeyey guddi qayb ka noqda wadahadalkaas.

Madaxda Dowlada Federaalka ah ayaa inta badan ku sugan magalaada Muqdisho taasoo sababtey in hay’adaha dowliga ee Federaalka noqdaan kuwo shaqooyinkooda fadhiid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM