Xiisad ka taagan Tukaraq iyo Ciidamo ku wajahan

Image

GAROOWE, Puntland - Xiisad colaadeed ayaa ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo maalintii shalay dagaal kula wareegeen ciidamada Somaliland.

Dowladda Puntland ayaa ciidamo iyo gaadiid dagaal u dirtay gobolka Sool, kuwaasi ka qeyb-qaadan doono tallaabo military oo Puntland uga jawaabayso duulaanka Somaliland.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay joojiyeen dhamaan wixii gaadiid ahaa ee ka imaan jiray ama aadi jiray dhanka Somaliland, sababo la xiira xiisada soo cusboonaatay.

Faraweyne ayaa xusay in jidka u dhaxeeya Laascaanood iyo Garoowe uu xiran yahay wixii maanta ka dambeeya, islamarkaana loo ogol yahay oo kaliya gaadiidka ciidanka iyo kuwa mas’uuliyiinta. Halkan ka akhri.

War Saxaafadeed kasoo baxay shalay Puntland ayaa lagu sheegay in ay jawaab cad ka bixin doonaan weerarka lagu soo qaadey Tukaraq, oo 86Km u jirta Caasimadda Garoowe.

Dhanka kale, Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), ayaa ka hadlay xaaladda Tukaraq iyo la wareegitaanka ciidamada maamulkaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliland ay ka go’an tahay inay iska difaacdo duulaan kasta oo kaga yimaada dhanka Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Cabsi xooggan ay soo foodsaartay shacabka ku nool Tukaraq iyo nawaaxigeeda kuwaasi oo ka baqaya in markale ay ku dul-dagaalamaan ciidamada labada maamul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM