Xildhibaan Xoosh oo beeniyey inuu wado siyaasad ka dhan ah Puntland

Image

MUQDISHO, Somaliya- Xildhibaan Cali Yusuf Cali Xoosh oo wareysi gaar ah siiyey Idaacada Radio Garowe ayaa beeniyey inuu kamid yahay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Federalka Somaliya kuwasoo la sheegey iney qayb ka yihiin qorshe siyasadeed oo lagu burburinayo maamulka Puntland.

“ Anniga iyo xubnaha mas’uuliyiinta ah ee la xusey qaarkood-na yihiin mas’uliyiinta Barlamanka Puntland kuwa ugu sareeya qaarna ay yihiin dad kale oo mas’uuliyiin ah , Wararka lagu soo qorey saxafada qaar waxay ahaayeen kuwa iska been abuur ah, kuwa qoreyana waxay ahaayeen kuwa aan ilaalineyn sharciga saxafada iyo shaqsiyadooda, dadka la magacaabey waxay kamid ahaayeen dadkii ku soo tabcey Puntland xilal-na ka soo qabtey, Marka nagama suurowdo in aan noqono kuwa Puntland dumiya” sidaas waxa yiri Cali Xoosh oo ka jawaabayey su’aal ku aadan eedeyn loo soo jeediyey maalmihii lasoo dhaafey Xildhibaano uu kamid yahay.

Xildhibaan Cali Yusuf oo wax laga waydiiyey fikirkisa ku aadan mashruuca lagu balaarinayo dekada magalaada Bossaso ayaa yiri “ anigu ka Puntlander ahaan Waxaan u arkayaa iney tahay wax wanaagsan iyo hurumar soo kordhey waana boorinayaa, farsamooyinka yaryarna maamulka iyo dadka Reer Puntland ayaan jecelnahay iney isla-fahmaan.”

Wareysiga Xildhubanka ayaa yimid xilli asbuucyadii ugu dambeeyey uu xumaadey xiriirka u dhexeeya Dowlada Fedraalka iyo maamulada Somaliya kuwasoo qaarkood taageereen xulifada dalka Sucuudiga.

Maamulada Somaliya ayaa dhowaan kulan isugu imaanaya magalaada Kismayo iyadoo Madaxweyne Gaas ka qayb galayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA CALI YiSUF XOOSH

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM