​Xildhibaan Surcad "Sharciyan wasaaraddu awood uma laha xannibaada Kalluumaysiga"

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaan Saciid Cabdi Samatar Surcad oo kamid ah Barlamanka Puntland, ayaa ka hadlay amarka lagu xannibay qaar kamid ah khayraadka ku jira badda kadib amar dhawaan kasoo baxay wasaaradda Kalluumaysiga Puntland.

Surcad ayaa sheegay in amarkaasi yahay mid aan waafaqsanayn sharciga waddanka u yaalla islamarkaana lagusoo beegay xilli baahi xoog leh ka jirto deegaanada dhaca xeebaha dalka.

Wuxuu xusay inay soo gaarayso cabasho xoog leh oo ku saabsan amarka soo baxay.

Xildhibaanka ayaa wasaaradda ku dhaliilay inaysan marin nidaamkii saxda ahaa, wuxuuna sheegay inay haboonayd in wasaaraddu samayso sharci la horgeeyo golaha Wasiirrada iyo Barlamanka si looga doodo dhibaatada arrintaasi ka imaan karta iyo qaabka loo bad-baadin karo nolosha dadka halkaasi ku dhaqan.

Wuxuu shacabka cabanaya ugu baaqay in dhibaatada haysata kusoo aadiyaan Guddiyada Barlamanka oo uu xusay inay hadda shaqaynayaan.

Surcad, ayaa carrabka ku dhuftay in dhibaato xoog leh ka jirto xeebaha dalka, balse la isla sugayay in laga yeesho wadatashi guud.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aaday iyadoo aysan jirin ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay golaha xukuumadda, kaasoo ku aadan tallaabada lagu xanibay Kallumaysiga qaar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM