​Xildhibaan Surcad "Sharciyan wasaaraddu awood uma laha xannibaada Kalluumaysiga"

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaan Saciid Cabdi Samatar Surcad oo kamid ah Barlamanka Puntland, ayaa ka hadlay amarka lagu xannibay qaar kamid ah khayraadka ku jira badda kadib amar dhawaan kasoo baxay wasaaradda Kalluumaysiga Puntland.

Surcad ayaa sheegay in amarkaasi yahay mid aan waafaqsanayn sharciga waddanka u yaalla islamarkaana lagusoo beegay xilli baahi xoog leh ka jirto deegaanada dhaca xeebaha dalka.

Wuxuu xusay inay soo gaarayso cabasho xoog leh oo ku saabsan amarka soo baxay.

Xildhibaanka ayaa wasaaradda ku dhaliilay inaysan marin nidaamkii saxda ahaa, wuxuuna sheegay inay haboonayd in wasaaraddu samayso sharci la horgeeyo golaha Wasiirrada iyo Barlamanka si looga doodo dhibaatada arrintaasi ka imaan karta iyo qaabka loo bad-baadin karo nolosha dadka halkaasi ku dhaqan.

Wuxuu shacabka cabanaya ugu baaqay in dhibaatada haysata kusoo aadiyaan Guddiyada Barlamanka oo uu xusay inay hadda shaqaynayaan.

Surcad, ayaa carrabka ku dhuftay in dhibaato xoog leh ka jirto xeebaha dalka, balse la isla sugayay in laga yeesho wadatashi guud.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aaday iyadoo aysan jirin ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay golaha xukuumadda, kaasoo ku aadan tallaabada lagu xanibay Kallumaysiga qaar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM