Xildhibaanada Baarlmanka cusub ee Puntland oo lagu dhawaaqey [Magacyada]

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga xalinta Khilaafaadka iyo ansixinta Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa ku dhawaaqay caawa fiidkii liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka, xilli doorashada Madaxtinimada la filayo inay dhacdo 8-da January ee 2019.

Gudoomiyaha Guddiga ayaa sheegay in Xildhibaanada cusub ee Puntland ay isagu jiraan 49 cusub iyo 17 xubnood oo kamid aha Baarlamankii hore, kuwaasoo markale dib loo soo doortay.

Guddiga oo uu Cabdiweli Gaas magacaabay 3-dii bishan December ayaa mudda 27 maalmood ah ku mashquulsanaa xallinta kuraasta lagu muransanyahay ee xubnaha doonaya inay kamid noqdaan Baarlamanka.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Senator katirsan Aqalka Sare, mudane Cabdiraxmaan Faroole oo shalay Shir jaraa'id ku qabtey Garowe ayaa ugu baaqey Xildhibaanada cusub inay doortaan hogaan karti iyo aqoon leh oo ka saari kara Puntland dhibaatooyinka laga dhaxlay maamulka Gaas. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM