Xildhibaanada Baarlmanka cusub ee Puntland oo lagu dhawaaqey [Magacyada]

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga xalinta Khilaafaadka iyo ansixinta Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa ku dhawaaqay caawa fiidkii liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka, xilli doorashada Madaxtinimada la filayo inay dhacdo 8-da January ee 2019.

Gudoomiyaha Guddiga ayaa sheegay in Xildhibaanada cusub ee Puntland ay isagu jiraan 49 cusub iyo 17 xubnood oo kamid aha Baarlamankii hore, kuwaasoo markale dib loo soo doortay.

Guddiga oo uu Cabdiweli Gaas magacaabay 3-dii bishan December ayaa mudda 27 maalmood ah ku mashquulsanaa xallinta kuraasta lagu muransanyahay ee xubnaha doonaya inay kamid noqdaan Baarlamanka.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Senator katirsan Aqalka Sare, mudane Cabdiraxmaan Faroole oo shalay Shir jaraa'id ku qabtey Garowe ayaa ugu baaqey Xildhibaanada cusub inay doortaan hogaan karti iyo aqoon leh oo ka saari kara Puntland dhibaatooyinka laga dhaxlay maamulka Gaas. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM