​Xilli Roobaadka Dayrta oo ka curtay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Roob si fiican u biyo dhigay ayaa caawa fiidkii hore qabtay magaalo Madaxda Puntland xilli maalmahan laga dareemayay kulayl iyo cusayb Cirka ah iyadoo lagu guda jiro xilli roobaadka Dayrta.

Wadooyinka magaalada waxaa jiifa biyo iyadoo caawa laga dareemayo qabow iyo jawi Roobaad ka duwan saacado ka hor sida ay ahayd magaalada.

Wariyaha Garowe Online u jooga Caasumadda Puntland, ayaa ku waramay in waqtigii Roobku da’ayay uu hakad galay ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka, balse ku dhawaad 40 daqiiqo kadib xaalku xaadi kusoo noqday.

Dhinaca kale nawaaxiga magaalada Garowe ayaa lagusoo waramayaa inay qabteen roobab qaboojin ah.

Xilli Roobaadka Dayrta oo xilliyadan oo kale ka da’ay dalka Somalia ayaa kusoo aaday xilli goobaha qaybtood lagasoo sheegayay abaar iyo baad la’aan.

Cirka ayaa iminka cusub waxaana la filayaa inay roobab kale ka da’aan qaybo kamid ah gobolka Nugal.

Qaar kamid ah shacabka Garowe oo la hadlayay GO, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin Nimcada Rabbi, iyagoo ALLE ugu xamdiyay raxmadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM