Xukun lagu riday askari Boosaaso ku dilay taliye oo la ayiday

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda Rafcaanka ciidanka qalabka sidda ee Puntland ayaa maanta ayiday xukun dil toogasho ah oo ku ridday askari.

Axmed Aadan Maxamed Gaagaale ayaa lagu eedeeyay dilka taliyihii garoonka diyaaradaha magaaladda Bosoaaso, Xasan Shire Amaan.

Amaan ayaa la toogtay 7-da bishii December ee sanadkii 2015-kii. Axmed, sidda la sheegay, wuu baxsaday kadib fal-dambiyeedkaas.

Hase yeeshee, dadaal badan kadib, dowladda Puntland ayaa waxay ku guuleysatay in gacanta lagu soo dhigo.

Garsooreyaasha ayaa carabka ku adkeeyay in go'aankan ay gaareen kadib markii "ay ku qanceen caddeymaha waafiga ah ee la horgeeyay".

Dhinaca kale, maxkamadda ayaa waxay go’aamisay in Axmed Aadan Maxamed [Gaagaale] la siiyo 67-halaad oo diyo ahaan ah.

Talaabadan ayaa waxaa lagu saleeyay "dhaawacyo Mr Gaagaale soo gaarey" intii lagu guda jiray howlgaladii suurtageliyay in lasoo qabto.

"Diyadaas waxaa bixin doonta dowladda Puntland ee Soomaaliyeed," ayay isku raaceen garsooreyaasha Maxkamadda rafcaanka Ciidamadda ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM