​Xulka kubadda cagta Puntland oo Garowe lagusoo dhaweeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Soo dhaweyn aad u ballaaran ayaa loo sameeyay kooxda ku cayaaraysay magaca Puntland ee kusoo guulaysatay koobkii maamul goboleedyada ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa xubno katirsan golaha wasiirrada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa kooxda kaga hortagay garoonka diyaaradaha Canoco halkaasoo looga soo galbiyay caasumadda Puntland.

Waxaa xusid mudan in tiro badnida gawaarida ay adkayd in howli fiican ku socdaan baabuurto iyadoo sababtay in muddo jidka kusoo jiraan islamarkaana dhinacyada kasoo galbiyaan baabuurta dadweynaha.

Kabtan kooxda Cabdisalaam Dhiidhiyo ayaa Koobka kor u lulayay, waxaana mar aan dareenkiisa weydiinay noo sheegay inuu ku faraxsanyahay guushooda isagoo u mahadceliyay shacabka Puntland ee taageerada la garab taagnaa.

Shacabka reer Muqdishu ayuu u mahad-celiyay isagoo tilmaamay inay u muujiyeen Somalinimo iyo soo dhaweyn heerkeedu sarreeyo.

Wasiirka Shaqada Shaqaalaha dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa tilmaamay inay koobkan gayn doonaan gobolka kasta oo Puntland ku yaalla.

Madaxweyne Gaas ayaa laftiisa bogaadiyay guusha dhalinyaradu usoo hoyiyeen Puntland, wuxuuna madaarka diyaaradaha Canoco ku ruxay Koobka isagoo ku dhawaaqayay "Guul Puntland Guul".

Kooxdan ayaa cayaartii Finalka ka guulaysatay dhigooda Puntland iyagoo ku garaacay Gool ku laad 5:3 ahaa.

Waa markii ugu horraysay ee la qabto koobka maamul goboleedyada ee ay qaatay Puntland oo 01 Augusto u dabaal dagi doonta 18 guuradii kasoo wareegtay aas-aaskooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM