​8 qof oo ku dhintay Rasaas ay rideen ciidanka dowladda Somalia

Image

CEELSHA BIYAHA, Somalia-  Askar katirsan ciidanka dowladda Federaalka Somalia, ayaa saaka dad shacab ah ku dilay Jaamacadda Shabelle, oo ku dhaw deegaanka Ceelasha Biyaha, ee duleedka magaalada Muqdishu.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in ugu yaraan 8 qof oo shacab ah ay ku dhinteen tacshiirad ay fureen ciidamo katirsan kuwa militeriga dowladda.

Rasaas ayaa lagu riday gaari nooca raaxada ah, oo la socday Kolonyo galbinysay Janaasada Meyd loo waday qabuuro ku yaalla Ceelasha Biyaha.

Dadka ku dhintey rasaasta waxaa ka jira saddex dhalinyaro, oo isla dhashay oo lagu kala magacaabi jiray Cabdicasiis Xaaji Gaabow, Cabdijibaar Xaaji Gaabow iyo Maxamed Deeq Xaaji Gaabow.

Sidoo kale nin abti u ahaa saddexda wiil oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yare ayaa ku dhintay falkan. Gaariga ay wateen ayaa ahaa Noah.

Haweenay taagnayd wadada dhinaceeda ayaa sidoo kale haleeshay rasaasta, oo isla goobt ku dhimatay.

Lama oga sababta ay Ciidamada Rasaasta ugu fureen Gaarigaas.

Saraakiisha Dowladda Federaalka iyo maamulka Deegaanaka Ceelasha Biyaha wali kama aysan hadlin falkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM