Aadan Ducaale oo fariin u diray madaxda Soomaalida

Image

NAIROBI, Kenya - Hogaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ahna Xildhibaanka Gaarisa ee Aqalka Hoose ee Kenya ayaa baaq culus wuxuu u diray guud ahaan madaxda Soomaalida.

Aadan Barre Ducaale oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey caasimada Nairobi ayaa ku booriyey hogaamiyeyaasha Soomaalida in go'aanadooda ay ku saleeyaan "danta dadka Soomaaliyeed".

Ducaale oo aan kala caddeyn sababta waqtigan xasaasiga ah kusoo beegay fariintiisa ayaa cod dheer uga digay madaxda Soomaalida "in ay u taliyaan ama go'aanada u yeeryaan dowladdo shisheeye".

"Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka, hogaamiyeyaasha gobolada iyo siyaasiyiinta gaar ahaan Farmaajo in marka aad tashaneysaa aad go'aanadiina ku saleysaan danta Soomaaliya oo aysan idin meerin dowladaha derisa ama kuwa Carabta," ayuu yiri Ducaale.

Hadalka Ducaale ayaa kusoo aadaya xilli Nairobi ay todobaadkan ku dhawaaqdey in ay xirtey xadka hawada ay la wadaagto Soomaaliya ayna ku hanjabtay in ay sii xoojineyso haddii daruuri noqoto.

Sida ku xusan qoraal Wasaaradda arrimaha dibada Kenya u dirtey howlgalada diblumaasi, duulimaadyada arrimaha samafalka waxay heli doonan mudnaan gaar ah haddii isa soo diiwaan-geliyaan.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa xiisadda diblumaasi ee ka dhaxeysay waxay soo taxan tahay tan iyo markii uu xukunka la wareegay Farmaajo kaasoo isku dayay in uu ku ololeeyo siyaasadda arrimaha dibada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM