Aadan Madoobe iyo Laftagareen oo isku afgartey lix qodob

Image
Qodobadan ayaa kasoo baxay wadaxaajoodyo ay labada mas'uul ku yeesheen magaalada Baydhabo.

BADYAHBO, Koonfur Galbeed - Wada-tashiyadii shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed uu ku baaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan ka socdey magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo ayaa lasoo gaba-gabeeyey.

Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey gudoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada waxey isla qaateen.

1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dardar-galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa 19-kii bisha Nofeembar 2022-ka soo jeediyay in la qabto shir dib u heshiisiin ah luguna qabto magaalada Baydhabo waxaana markaas soo dhaweeyay madaxwayne Laftagareen.

12-ka bisha Diseembar wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban xildhibaano Dowladda Federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo aqoonyahano ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool si ay uga bilaabaan geediga wada-tashiga shirka dib-u-heshiisiinta ah.

14-kii bisha Diseembar Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxay soo gaareen magaalada Baydhabo waxeyna la kulmeen madaxweyneCabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen kana wada hadlay qodabadda miiska saaran.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa salka ku haysa muddo xileedka madaxwayne Laftagareen oo siyaasiyiinta kasoo horjeeda ay sheegayaan in ay ku eg-tahay dhamaadka bishan balse isaga uu aaminsan yahay inuu baarlamaankiisa hal sano ugu daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM