Aadan Madoobe oo Baydhabo u tagay xuska lix sano guurada Laftagareen

Image
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxa uu u dabaaldegayaa sanad-guuradii lixaad duub xafiiska joogo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah Ee Shaatigaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wasiiro Iyo xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Baydhabo.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Xildhibaano waxay Magaaladda Baydhabo uga qeyb geli doonaan xuska sanad guurada lixaad ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM