Aadan Madoobe oo digniin u diray taliyeyaasha ciidamadda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu isku-diyaarinayo Doorashada Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa wuxuu isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida.

Shirkan waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka. Is-aragan wuxuu kusoo beegmay xilli waddanka uu isku-diyaarinayo doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.

Dhanka kale, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa isla maanta wuxuu kulan mira-dhal ah la yeeshay saaxiibbada beesha  caalamka, gaar ahaan kuwooda lagu magacaabo C6+.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii doorashada lagu soo gabagabeyn lahaa si nabdoon oo waafaqsan hannaanka doorashada dadban iyo baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

"Xubnaha C6+ ayaa balan qaadey in ay Guddoomiyaha gacan ka siin doonaan dhameystirka doorashada dalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska afhayeenka Aqalka Hoose.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyey in maalinta berito waxa ay yeelan doonaan kulan kaasoo ajandisuu yahay  Doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka labada Aqal ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM