Aadan Madoobe oo shaaciyey mowqifkiisa xiisada kuraasta Gedo

Image
Guddoomiyaha cusub ee Aqalka Hoose ayaa sharaxay qaabka uu u wajihi doono xalka qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Aadan Madoobe, guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono badbaadinta dalka.

Doorashadda madaxweynaha 10aad oo wali aan la muddeyn balse la filayo in ay ku qabsoonto muddo ku suntan 15-ka maalmood ee nagu soo aadan ayuu tibaaxay in ay noqon doonto mid daahfuran.

Xiriirka dowlad goboleedyadda iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo si weyn dhaawac uu u soo gaarey shantii sano ee lasoo dhaafay ayuu ka dhawaajiyay in uu ka shaqeyn doono sidii loo hagaajin lahaa.

Baarlamaanka labadiisa gole - Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare - ayuu hoosta ka xariiqay in ay la xisaabtami doonan xukuumadda federaalka "iyadda oo aan cidna la maageyn laguna shaqeynayo sharciga".

"Kow waxaa hadda noo ah deg-deg in aan u qabano doroashadda madaxweynaha kadibna lasoo magacaabo ra'iisul wasaaraha kadibna uu isaga soo dhiso xukuumadda," ayuu Aadan Madoobe carabka ku adkeeyay.

Mar wax laga waydiiyey kuraasta lagu muransan yahay gobolka Gedo, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku nuux-nuux-sadey in uusan ku deg-degi doonin isla markaana uu tallooyinka u badsan doono.

"Guddoomiyaha ku meelgaarka ayaa arrintan iiga horeeyay. Aniga oo ka eegaya dhinaca wanaaga iyo sharciga ayaan go'aan ka qaadan doonaa Insha Allah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay guddoomiye Aadan Madoobe.

Doorasho ay taageerayaan xukuumadda xilgaarsiinta iyo Jubaland ayaa ka dhacdey magaaladda Ceelwaaq, halka Villa Soomaaliya ay abaabushay coddeyn ka qabsoontey magaaladda Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM