Aadan Madoobe: Waa kuma afhayeenka cusub ee Aqalka Hoose?

Image
Aadan Madoobe ayaa hore u soo qabtay xilka afhayeenka baarlamaanka, intii u dhexeysay sannadihii 2007 illaa 2010.

MUQDISHO, Soomaaliya – Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaadhaya 163 wuxuuna ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo ah wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha ee Soomaaliya, kaas oo helay codad gaaraya 89 cod.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa hambalyeeyey guddoomiyaha cusub ee loo doortay golaha shacabka, isaga oo sheegay inuu ku qanacsan yahay habka doorashadani u dhacday oo uu ku sheegay inay tahay doorasho xor ah oo xalaal ah.

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ayaa isla markiiba la dhaariyey isagoo haatan wixii ka dambeeya la wareegaya masuuliyadda hoggaaminta golaha shacabka.

Doorashada Guddoomiyaha ayaa soo dhamaatay 2:30 habeenimo, wakhtiga magaalada Muqdisho, waxaana la soo xiray fadhigii golaha shacabka iyada oo maalinta berri ahna loo ballamay in la sii ambaqaado doorashada guddoomiye ku xigeenada.

Hadaba waa kuma Sheekh Aadan Madoobe?

Aadan Madoobe waa siyaasi mucaarad ah oo caan ah. Waxa uu ahaa Xoghayihii Guud ee Urur-siyaasadeedka Himilo Qaran kaas oo uu iska casilay bishan April 19-keedii, ka dib markii uu go'aansaday inuu u tartamayo jagada afhayeenka golaha shacabka.

Musharax Xasan Cabdi Nuur, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa siwayn ugu tiirsanaa madaxweynaha mudo xikeedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Koofur Galbeed oo ay xulufo dhow yihiin.

Aadan Madoobe ayaa hore u soo qabtay xilka afhayeenka baarlamaanka, intii u dhexeysay sannadihii 2007 illaa 2010. Sidoo kale wuxuu soo qabtay xilal wasiirnimo oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Caddaaladda iyo Ganacsiga.

Waxa uu si wayn ugu soo dhexmuuqday dowladihii KMG ahaa sida tii hogaaminayay AUN, Cabdullaahi Yuusuf Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Dowladii KMG ahayd ee hogaamiyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Doorashada Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ayaa soo afjaray, muddo ka badan hal sano oo ay dalka ka jireen murano siyaasadeed oo hadheeyey arrimaha doorashooyinka, waxaana haatan wixii ka dambeeya la filayaa in loo diyaargaroobo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah tan ugu xasaasisan.

Farmaajo waxa uu waqtigiisu ku ekaa bishii Febraayo 2021, isagoo raacaya tusaalaha xulafadiisa gobolka Afwerki iyo Abiy Ahmed, waxa uu isku dayay in waqti dheeri ah xafiiska sii joogo taasina waxa ay midaysay arragtida mucaadka dhamaan hada doodanaya hoggaamiye is badal doon ah in ay doortaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM