Aadan Madoobe: Waxaan u baahanahay jamhuuriyad ku dhisan is-jaceyl

Image
Afhayeenka Aqalka Hoose ayaa hadalkan sheegay isaga oo wakiil ka ah madaxweynaha dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka wakiil ah Madaxweynaha, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay munaasabada xuska 26‐ ka Juun, oo ku beegan 62-sanno guuradii ka soo wareegatay xiligii gobolada waqooyi ee dalkeenna ay xurnimadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, Guddoomiyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed.

Aadan Madoobe oo Khudbad dhan walba taabaneysa ka jeediyey munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in 62-sano ka dib aan walaalaheenna Gobolada waqooyi ay ka maqan yihiin dalka intiisa kale. waxaana uu khudbadiisa ku yiri sidatan. 

“Farxad weyn ayeey ii tahay inaan caawa Ka qeyb galo munaasabadda loogu dabaaldagayey 62 sano guurada ka soo wareegtay xornimadii Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun".

Wuxuu ku daray: "62-sano ka hor 26-ka Juun1960 waxay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin xorriyadeed, maalin farxadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay gayiga dalkeena".

"Sidaa darteed waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, waa maalin nooga baahan in aan dib u milicsanno halgankii adkaa ee naf iyo maal lahaa ee lagu bixiyay xorriyadda aan maanta heysanno," ayuu xusay.

Madoobe ayaa tibaaxay: "Munaasabaddan qiimaha weyn darteed waa in aan dib u eegno wixii naga xumaaday, gacmahana aan isugu qabsanno oo aan waqti ku bixinno sidii walaalaha Waqooyi dib loogu qancin lahaa Soomaaliweyn, Midnimo iyo Walaalnimo, taas oo fure u noqon karta dowladnimo Soomaaliyeed oo sinnan, wadajir iyo caddaalad ku dhisan".

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda oo geba-gada munaasabada ka sheegay in maanta loo baahanyahay midnimo aan markale dib ugu midoobi karno, taas oo ka dhigan Jamhuuriyad ku dhisan is jeceyl iyo walalnimo".

Saacada markey aheyd 12:00 saqda dhexe ee habeennimo ayaa waxaa la saaray Calanka Jamhuuriyada, iyadoo shacabka iyo madaxda wajiyadooda laga dheehanaayey farxad iyo reyn-reyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo qaabilay Orodyahan bilad u soo hooyay Soomaaliya

Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa dhawaan billad ugu guuleystay orodka 5000 ee mitir ee Cayaaraha Afrika.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 09:42AM