Abiy Ahmed oo u sacba tumay guusha Xasan Sheekh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu xaley ka guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay ahaayeen saaxiib siyaasadeed.

Abiy ayaa sheegay in uu si dhaw uu la shaqeyn doono madaxweynaha cuusb, ayna iska kaashan doonaan doono arrimo ay kamid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka.

‘”Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Abiy oo hadalkiisa ku daray “Waxaan rajeynayaa inaan si dhow idiinkala shaqeeyo danaha labada dhinac iyo kuwa gobolka”.

Abiy, Afwerki, iyo Farmaajo ayaa abuuray isbahaysiga saddex geesoodka ah ee 2018 iyagoo ujeedkoodu ahaa qaabaynta nidaamka gobolka lagu saleeyo himilooyinkooda siyaasadeed ee gudaha.

Saddexda hoggaamiye waxa ay ka soo horjeedaan federaalka, dejinta kala duwanaanta qowmiyadeed, iyo dowlad-goboleedyada. Taabadalkeed, waxa ay doorbidaan dowlad dhexe oo ka amar qaadata hoggaan dhexe oo awood badan ama Xukunka Fiat.

Xukunka Fiat oo ah mid milatari, waa geedi socod lagu gaaro go’aanada laguna fuliyo qaab militari iyadoo aan laga qeyb galin qeybaha kale ee siyaasada. Ereyga fiat oo ah laatiin, ayaa loo tarjumay “ha ahaato,”.

Afwerki – aabihii isbahaysiga – wuxuu xukumayay Ereteriya bilaa dastuur ama hal doorasho ku dhawaad 30 sano. Aqoonta hoggaamineed ee Afwerki, waa siyaasad ciidan, waxa uu ku qasbay boqolaal kun oo dhalinyaro ah in ay dalka ka haajiraan ama ku biiraan ciidanka Milatariga. Xaaladahaani waxa ay mucaaradku ku sheegeen wax aan macquul aheyn.

Itoobiya, Abiy waxaa xushay xisbigiisa siyaasadeed si uu dalka ugu wareejiyo dimuqraadiyadda sanadka 2018. Si kastaba ha noqotee, isagoo, marmarsiinyo ka dhigaya covid-19, ayuu dib u dhigay doorashadii Juun 2020, waxa uu xirxiray kuwa ka soo horjeedaIsku daygiisii ahaa inuu awoodda uruuriyo dowladda dhexe oo uu caburiyo kooxaha qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya taasina waxa ay horseeday dagaal sokeeye iyo macaluul badan.

Farmaajo, waxa uu marmarsiyo ka dhiganayay in uu Soomaaliya u diyaarinayo doorashadeedii ugu horreysay oo toos ah dhawr iyo toban sano. Taabadalkeed, wuxuu iskudayay inuu udub dhexaad u noqdo awoodda dowladda federaalka, taas oo keentay isku dhacyo kaladuwan dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland, inkastoo uu ku guulaystay in uu maamulo taabacsan oo xoog lagu dhisay uu ka hirgaliyo Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Farmaajo waxa uu waqtigiisu ku ekaa bishii Febraayo, isagoo raacaya tusaalaha xulafadiisa gobolka, wuxuu u kordhistay labo sano oo dheeri ah. Taasi waxa ay horseeday qalalaase dastuuri ah iyo isku dhac hubaysan, oo ugu dambeynti ku qasbay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in ay joojiyaan muddo kordhintiisa. Waa madaxweynihii ugu horreeyay tan iyo markii howsha dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ay billaabatay 2004-tii isku dayay inuu xafiiska sii joogo ka dib markii waqtigiisu dhammaaday.

Isbahaysiga ayaa khalkhal galiyay Geeska Afrika. Waxaa lagu xasuustaa Dadaalladii lagu kala qaybiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Itoobiya dagaaladda aan wali dhamaan ayaa sii hurisay loollannada gobollada. Xubnaha isbaheysiga seddex geesoodka ah waxa ay sidoo kale u maareeyaan xiriirka ka dhexeeya dowlad-goboleedyada si isku mid ah sida ay u xukumaan siyaasaddooda gudaha – waxa ayna ku qasbaan siyaasadooda iyaga oo u maraya qaab militari.

Dhaqanka isbahaysiga ayaa si gaar ah wax u dumiya sababtoo ah cawaaqibkiisa muddada dheer. Tusaale ahaan, isku dhacyada dhuleed, isir sifeynta, iyo kufsiga oo ah hub dagaal ayaa miraha u abuuraya cabashooyinka jiilka soo socda.

Itoobiya gudaheeda, siyaasadaha Abiy waxa ay durba soo nooleeyeen dareenka kala qaybinta Tigray iyo Oromiya. Iyo ilaa heerka ay kusii jiri doonto Itoobiya hal wadan dagaalka kadib hada waxaa waxaa ka taagan su’aalo bada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM